Top News: Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo 5 Cadaw yeeshay & Shaqsiga leh Tiknikada & ciidamada la socda oo la ogaaday

Saturday, June 7, 20140 comments

Afhayeenkii hore ee ururka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadalkiisa iyo raqdiisa la waayay balse ku sugan degmooyin ku yaala gobolka Bakool ayaa waxaa markii ugu horeeysay la ogaaday shaqsiga iska leh inta badan Tiknikada iyo ciidamada uu la dhuumaaleysanayo .

Ciidamada iyo Tiknikada la socota Afhayeenkii hore ee ururka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa lahaa ama isku aruursaday Cumar Shafik Xamaami oo loogu yeeri jiray (Abuu Mansuur Al-Amriiki) balse ku dhawaad sanad ka hor ay qaarajieen maleeshiyaadka ururka Al Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli wata maleeshiyaadkaan oo beeshiisa u badan wuxuu iminka yeeshay ama inta badan ka dhuuntaa 5-cadaw oo kala ah , 

1-Ciidamada Dowlada oo raadsanaya, 
2-Ciidamada Burundi iyo kuwa Dowlada Uganda oo baadi goob ugu jira ka dib markii uu afkiisa ku qirtay Askar laga laayay iyo Gawaari laga gubay , 
3-Al Shabaab oo sidoo kale ugaarsi toos ah ku heeysa . 
4- Turkiga oo isna dhawaan ku soo biiray dalalka doonaya hogaamiyahaan baxsadka ah iyo 5-Wadanka Mareeykanka oo ku daray liisk Madaxda lagu doonayo lacagta Malaayiinta Dollar ah 

Mascuud Cawil Sheekh Ibrahim











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog