Daawo Sawirada.Cristiano Ronaldo Oo Soo Laabtay Iyadoo Portugal Ay Dubatay Republic of Ireland

Wednesday, June 11, 20140 comments













Cristiano Ronaldo ayaa cadeeyay inuu taam u yahay Koobka Adduunka isagoo ku soo laabtay xulka Portugal islamarkaana ka qeyb qaatay kulankii saaxiibtinimo ee ay 5-1 ku burburiyeen Republic of Ireland.

Xiddiga Real Madrid ayaa la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah ka dib finalkii Champions League, laakiin waxa uu u muuqday mid diyaar u ah kulanka ay Portugal ku furaneyso Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Germany, isagoo qeyb ka ahaa xulkii Portugal ee New Jersey uga badiyay Ireland.

Hugo Almeida ayaa labo gool u saxiixay xulka macalin Paulo Bento iyadoo labadaas gool uu dhexda kaga jiray gool uu iska dhaliyay xiddiga Ireland Keogh.

Markii ay ciyaarta 3-0 aheyd oo sidaas lagu kala nastay qeybtii hore Ireland ayaa qeybtii labaad bilowgeeda gool soo ceshatay iyadoo uu u saxiixay McClean, laakiin labo gool kale oo kala dhaliyeen Vieirinha iyo Controa ayaa ciyaarta hurdo u diray.
_
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog