Xidiga xulka Brazil Neymar ayaa qirtay inuu ka walwalsanaa lionel Messi ka hor intii uuna ku soo biirin kooxda Catalonia laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in sheekooyin badan oo uu ka maqli jiray Messi inay haayeen waxaan jirin oo been abuura.
Neymar ayaa Barcelona ku qaatay sanadkiisii kowaad oo uu horumar wayni ka muuqday isagoo u dhaliyay kooxda Barcelona 15 gool, 41 kulan oo uu ciyaaray balse xili ciyaareedkan ku may guulaysan wax koobab ah.
Neymar oo waraysi lala yeeshay ayaa aad u amaanay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Messi kaas oo uu sheegay in sheekooyin badan oo dhaawac gaysanaya oo uu maqli jiray ay been noqdeen.
Neymar ayaa yidhi: “Dhinac kasta Messi wuu iga yaabiyay. Intii aanan halkan Barcelona iman, waxaan maqli jiray sheekooyin aad u xun xun tusaale ahaan inuuna yahay nin xidh xidhan oo aan dadka la hadlin laakiin imika arintu waa si kaduwan taas.
“Marka lagu jiro gegeda ciyaarta aad ayuu aniga ii caawiyay, markii aan arkay sida uu dadka ula dhaqmayo waxaan xaqiiqsaday sida uu u yahay qof fiican mana jirto wax xumaan ah oo aan u hayaa haba yaraatee.
Barcelona ayaa sanadkan ku dhamaysatay niyad jab iyadoo aan ku guulaysan koobabkii looga bartay balse Neymar ayaa aaminsan inuu khibrad fiican ka helay walibana uu horumar wayn sameeyay sanadkiisii kowaad wuxuuna yidhi: “May ahayn saxdii aan doonaynay laakiin may xumayn.Waxay ahayd sanadkii iigu horaysay ee aan ka ciyaaro meel aan wadankayga ahayn. Waxaan waxaan tabayay qoyskayga iyo saaxiibaday markii horena waxay ahayd mid adag laakiin waxabadana ayaan bartay. Ciyaartoy kasta waxbaan ka bartay waxaanan isku dayay inaan la qabsato qaab ciyaareedka kooxda
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
