Daawo Shacab si xoog ah iskugu dhigay Taangi careysan oo furin Dagaal ka yimid (Yaa laga taqluusay Daawo ) ?

Saturday, June 7, 20140 comments

Shacab geesinimo sheegtay ayaa si toos ah iskugu dhigay mid ka mid ah Taangiyada dagaalka dalka Ukraine oo ka yimid deegaan yool ah oo xabada ama dagaalka uu ka socday. Shacabkaan ayaa wadada dhexdeeda is taagay si uusan Taangigaan marnaba u dhaafin .

Taangigaan oo ahaa mid Rasaasta uga soo dhaamatay xaafado ku dhaw halkii isbaarada loogu dhigtay ayaa Darawalkii waday wuxuu isku dayay inuu dadka jiirsiiyo balse ugu dambeyntii mid ka mid ah Shacabkii ayaa dusha sare ee Taangiga wuxuu la fuulay Taayar kaas oo rabay inuu gubo gebi ahaanba Taangigaan oo ahaa nuuca Beebaha ah ee Silsilada leh.

Darawalkii waday Qorigaan Taangiga ah oo nafta u yaabay ka dib markii dusha sare loogu soo fuulay ayaa markii uu xanaaqay wuxuu dar darsiiyay ama dhex jiiray shacabkii careeysnaa ee isbaarada u dhigtay wadada dhexdeeda.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog