Iyadoo aragtiyo kala duwan laga bixiyay Dagaalada ka socdo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa aragtii Ceynkaasi ah sidoo kale ka baxshay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Dagaalada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, laga dhigo mid u dhexeeya Laba beel, waxa uuna beeniyay arrintaasi, isagoona sheegay inay is heystaan Beel iyo beel kale oo garab ka heleyso DFS.
Waxa uu sheegay Dalxa in dagaalada 5-tii maalmood ee ugu dambeysay ka soconaayay Gobolka Shabeellaha Hoose uu ahaa mid muuqda oo ay DFS ku cadeysatay inay u kala hiilineyso Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna Tilmaamay in mar un lala xisaabtami doono Wasiirka Gaashandhiga iyo Hay’adaha ku lug leh Ammaanka.
Xildhibaanka, ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in dagaaladaan ay hurinayaan shirkado shisheeye iyo Siyaasiyiin Deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sababtu ku sheegay Gobolka Shabeellaha Hoose oo kheyraadkiisu uu badan yahay, sida uu yiri.
Xilligaan, ayuu sheegay in laba beelood oo kaliya ay ku
hardamayaan Gobolka
Shabeellaha Hoose, dhowaana la arki doono beelo badan oo isku heysata lahaanshiyaha Gobolkaasi.
Waxa uu Dalxa ugu Baaqay Beesha Biya-maal inay iska celiso Beesha la hardameyso, isagoona Tilmaamay inaysan jirin Dowlad kala maareyn karto Dagaaladaasi, maadama aan Wakhtigeeda la gaarin ayuu yiri.
“Hadda laba beelood ayaa isku heysata Gobolka Shabeellaha Hoose, beelo badan oo isku heysta waala arki doonaa inay lee yihiin Gobolkaasi, waxa leesku heystana waa Kheyraadka badan ee ku jiro Shabeellaha Hoose, sidaa darteeda waxan leeyahay Beesha Biyo-maal ha iska celiso beesha ay la dagaalameyso maadama dhulkeeda lagula dagaalamaayo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
Dhanka kale, Xildhibaan Dalxa, ayaa wuxuu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana la wada qaato Codsiga Dagaal joojinta oo aan la fiirin hal dhinac oo kaliyah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
