Aqriso Cunooyinka Nuucaan ah iska jir ka hor Galmada xalaasha ah

Tuesday, June 10, 20140 comments

Raashinka qaar ayaa door ka qaata in ay wiiqaan habsami socodka shaqada sariirta , waxa aayna baarayaal u dhashay dalka Brazil sheegeen in ay jiraan cunooyin sara u qaada heerka wax qabad ee ciyaarta iyo kuwo hoos u dhiga waxa ayna wacdaraha haatan ku sheegeysaa cunooyinka wiiqa shaqada ee iska ilaali in aadan cunin ka hor ciyaarta .

1- Digirta Beebeesheeda noocyadeeda kala duwan : waxa ay ka kooban tahay Proteins nafaqo leh , waxa ayna leeyihiin in aysan wanaagsaneyn maxaa yeelay waa ay adag tahay in ay dheefshiidanto waxa ayna caloosha ku keeneysaa dibiryo , waxaana raga lagula talinayaa in aysan qaadan ka hor kulanka sariirta.

2- Wax yaabaha mac-macaanka : qof waliba waa uu jecel yahay macmacaanka gaar ahaan haweenka balse waxaa hubaal ah in mac macaanka ka kooban yihiin tamar aad u sareeysa waxa ayna buuxinayaan caloosha taasina habsami socodka ciyarta ayay wiiqeysaaa.

3-Broccoli : waxa ay uu ku jirtaa booska beebeesheeda waxa ayna ka kooban tahay boratin waxa ayna buuxineysaa caloosha taas oo wiiqeysa baashaalka macaan .

4- Hilibka nooca gaduudan : dufanta ku jirta ayaa adkeeyneysa dheefshiidka , waxa ayna caloosha ka dhigeysaa mid adag taasi oo diideysa in dhaq dhaqaaq badan uu sameeyo qofka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog