Daraasaad: Qaab Dabiici ah oo Lagu Daawayn Karo Dareen Yarida Himilada ama Kacsiga

Monday, June 23, 20140 comments

Daraasad cusub ayaa soo jeedisay in laga yaabo  rag badan ay ka bogsadaan howlgabka kacsiga hadii ay hagaajiyaan qaab noolaleedkooda  cunooyin wanaagsana ay cunaan.kacsi la’anta by qurbo.net

Howlgabka kacsiga labo nooc ayaa ugu wayn kuwaasoo  kala ah: Erectile Dysfunction (ED) Kacsi la’aanta  iyoPremature Ejaculation (PE) Biya-baxa dagdagga ah. Daraasadaan waxay diirada saartay nooca kacsi la’aanta.

Daawoyin fara badan oo loo adeegsado kacsi la’aanta ayaa suuqa soo galay kadib markii ay bilaabatay daawada Viagra, balse daraasadaan cusub raggii lagu sameeyay 29% way ka bogsadeen kacsi la’aantii iyagoo wax daawo ah aan isticmaalin kadib markii ay wax ka badaleen qaab noolaleedkooda.

Khubarada daraasadaan samaysay ayaa waxaa hogaaminayay Professor Gary Wittert, oo ah madaxa qeybta caafimaadka ee jaamacada Adelaide ee ku taala dalka Australia.

Ragga dhibaatada kacsi la’aanta qaba ayaa lagula taliyay inay hagaajiyaan qaab noolaleedkooda sida, inay miisaankooda ka taxadaraan, inay cunaan cunto nafaqo leh, inay ka fogaadaan maandoriyeyaasha sida khariga iwm, inay hurdo fiican seexdaan habeenkii,  inay badiyaan jimicsiga iyo sidoo kale inay wax ka qabtaan  hadii ay qabaan cudurada sonkorowga, dhiig karka iyo kolestaroolka.

Daraasadaan waxaa lagu daabacay  Journal of Sexual Medicine.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog