DEG DEG AH: Maleeshiyo Beeleed la wareegtay gacan ku heynta Deegaanka No-50 ee Gobolka Sh/Hoose

Tuesday, June 10, 20140 comments

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta deegaankaasi laga qabsaday Ciidamadii horey halkaasi ugu sugnaa oo u abaabulnaa qaab beeleed iyadoona hada deegaankaasi qabsadeen Ciidamo kale oo weeraray.

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed ayaa xoog kula wareegay deegaanka No-50 kadib markii ay halkaasi baneeyeen ciidamadii horey u heestay deegaankaasi oo ka amar qaadanayay Gudoomiyaha Deegaankaasi Cabdulaahi Waafow.

Xaalada Deegaanka No-50 ayaa hada dagan sida aan wararka ku heleyno , Ciidamadii laga saaray deegaankaasi ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay joogaan meelo aan sidaa uga fogeyn deegaanka No-50 ee Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada katirsan Milatariga ee u abaabulan qaab beeleedka qabsaday Deegaanka No-50 ayaa kasoo jeeda Beesha Habar gidir ,waxa ayna la wareegida Deegaanka No-50 ay imaaneysaa xili ay saakay Magaalada Marka sidoo kale ay la wareegeen Ciidamo xiran Dareeska Milatariga balse u abaabulan qaab beeleed.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog