Duqa Muqdisho oo kormeeray Xarumo kuyaala Magaalada Istanbuul lana kulmay Masuuliyiin (Daawo Sawirada)

Wednesday, June 4, 20140 comments

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa booqday xarumo kala duwan sidoo kale lakulmay Masuuliyiin katirsan Dowlada Turkiga.

Jen, Muungaab iyo xubnaha Maamulkiisa katirsan ee safarka ku wehliya ayaa la kulmay Masuuliyiin katirsan Dowlada Hoose ee Magaalada Istanbuul , waxa ayna kawada hadleen labada dhinac xariirka labada magaalo iyo sidii loo mataaneen lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale booqday Xarumo ay Dowlada Hoose leedahay oo kuyaala Magaalada Istanbuul , waxa uu sidoo kale kormeer ku tagay Xarumo kambaniyo ka shaqeeya nadaafada iyo dib u warshadeynta qashinka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dalka Turkiga u jooga xoojinta cilaaqaadka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowlad hooseedyo ee Muqdisho iyo istanbuul, Muungaab ayaana inta uu Turkiga joogo lafilayaa in uu lakulmo Masuuliyiin dalkaasi katirsan.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog