Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho laga furay mid kamid ah Hoteelada ugu quruxda Badan Magaalada Muqdisho , iyadoona munaasabad lagu furayay Hoteelkaasi ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay Hotelka Hayat oo kamid ah Hoteelada ugu casrisan uguna quruxda badan Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Gudaha Hoteelkaasi.
Munaasabada lagu furayay Hotelka Hayat waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali dhuxulow , Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi guure , Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuiyiin kale.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi guure , oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada lagu furayay Hotelkan Casriga ah ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka maamul ahaan in Muqdisho laga hirgaliyo Hoteelo Casri ah oo ka qeyb qaadanaya bilicda Caasimada.
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Wasiirka Wafaafinta Xukuumada Soomaaliya Musfat Sheekh Cali Dhuxulow , waxa uuna aad u amaanay Ganacsatada iyo dadkii isku howlay in Muqdisho ka furaan Hotelkan aadka u quruxda badan, isagoona ugu baaqay ganacsatada iyo dadka qurbaha kunool in ay dalkooda maalgashadaan.
Munaasabada xariga looga jarayay Hotelka Hayat oo kamid noqonaya Hoteelada aadka u quruxda badan ee kuyaala Magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan oo loo riyaaqay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com