Gudoomiyaha Xisbiga Ucud ee Somalilandta sheegta in ay somaliya ka go’day ayaa ka ahdlay dagaalka labada beelood u dhexeeya ee ka aloosan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Mr Waraabe ayaa sheegay in dagaalka Shabeelada Hoose uu astaan u yahay fashilka iyo nasiib darada dowlada Xasan Sheekh Maxmauud haysta xiligaan.
Waxa uu sheegay in dagaaladaa ay sababayaan maamul u smaynta Gobolada dalka Somaliya iyada oo uu sheegay in ay kordhinayso in beelo hubweyn ku haysta Koonfurta ay ku duulaan oo baabi’iyaan beelo aan hub weyn ku haysan Koonfurta Somaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaaladaas ay dowlada Somaliya ku weyn karto taageerada beesha caalamka ay u hayso iyo sidoo kale in hub dnabe lagu aamini waayo.
Faysal Cali waraabe oo u hadlayay qaab qabiil ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dad ayaga ka soo jeeda iskuna abtirsdaan la xasuuqo isla amrkaana ay gacan ka geysan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Faysal cali waraabe ayaa ku soo aadaya xili shalay odoyaal ka soo jeeda beesha Isaaq ay shir ku yeesheen magaalada Hargaysa isla markaana ay u hanjabeen beelaha Hawiye.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
