Tababarayaasha Ugu Lacagta Badan 32 Wadan ee Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Waa Kuwee?

Wednesday, June 11, 20140 comments

Tababarayaasha ka qayb galaya Koobka Aduunka oo tiradoodu tahay 32 ayaa ku kala duwan mushaarka ay ka qaataan wadamada ay tababarayaasha u yihiin. Haddaba waxaa qiimayn lagu sameeyay sida ay ukala lacagbadan yihiin waxaana hogaaminaaya tababaraha Ruushka ee Fabio Capello halka uu kaalinta labaad ku jiro macalinka xulka England Roy Hodgson. Capello ayaa sanadkii hela lacag dhan £7million halka uu Hodgson ka urursaday £3.5 million.

Capello oo laba sanno macalin u ahaa xulka Ruushka helay lacag dhan £14million halka uu markii uu Engalnd tababaraha u ahaa ka helay £24 million. Prandelli oo layluya xulka Italy ayaa sanadkii qaata £2.58 miilion wuxuuna ku jiraa kaalinta saddexaad wuxuuna ka horeeyaan Scolari oo Brazil ah kaas oo qaata sandkii £2.4 million.

Waxa kale oo jira 3 tababare oo Talyaani ah oo kala wata saddex xul oo ka qayb galaya koobka aduunka ku waasoo kala ah xulalka Italy, Ruushka iyo Japan. Argentina waxaa ka socda 3 tababare oo kala hogaaminaya Argentina, Colombia iyo Chile halka ay ka socdaan 3 tababare oo Colombia u dhashay laakiin mid ka mid ahina ma wato xulka wadankiisa ee waxay wataan xulal kale waxayna kala yihiin Honduras, Ecuador iyo Costa Rica. 18 ka mid ah wadamada ka qayb galaya Koobka Aduunka waxaa wata tababarayaal u dhashay xulalka ay hogaaminayaan.

Ugu danbayn shanta ugu mushaarka yar tababarayaasha Koobka Adduunka waxaa ka mid ah Miguel Herrera oo Mexico tababare u ah oo qaata sannadkii £125,000, James Kwesi Appiah oo Ghana wata oo qaata sanadkii £150,000, Niko Kovac oo Croatia macalin u ah kaas oo sandkii qaata£162,000, Safet Susic oo Bosnia layliya kaas oo sannadkii u xaadira £210,000 iyo Stephen Keshi oo ah tababaraha  Nigeria qatana sanadkii £234,000.

Shaxda tababarayaasha koobka aduunka iyo lacagtooda halkan kaga bogo.








____________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog