Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa xilka looga qaaday labo kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Lixda Gobol ka kooban .
Wasiirada xilka laga qaaday waxaa kamid ah Wasiirkii Arimaha Gudaha Wasiirka Arrimaha Gudaha C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey) iyo Wasiirka Dowladaha Hoose & Reer Miyiga Ibraahim Macalin Nuur Shiino oo kusugan Magaalada Muqdisho.
Madoobe Nuunow Maxamed ayaa xubnahan uu xilka ka qaady waxa ay maanta heshiis ay kula midoobeen Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee kakooban sadaxda Gobol , waxa uuna heshiiskan ay aqoonsadeen Madaxda Dowlada uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada.
Halkan ka Aqriso Wareegtada Xilka ka qaadista ee kasoo baxday Madoobe Nuunow
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com

