Top: Daawo gacalisada Cristiano Rinaldo, Irina Shayk oo gaari ugu deeqday Nin Dirbiya jiif ahaa…

Wednesday, June 4, 20140 comments

Gacalisada Xiddiga Kubada Cagta CR7 ee kooxda Real Madrid Irina shayk ayaa si lama filaan ah waxa ay uga farxisay nin dirbiya jiif ahaa muda 26 sano ah kaa oo ku noolaa Magaalada Lisbon Dalka Purutgal.

Arintaa ayaa ka danbaysay kadib markii Kooxda Kubada Cagta Real Madirid ku guulaysatay 10 sano kadib koobka horyaalka Qaarada Yurub Champion leage oo fiinaalkiisa lagu qabtay Magaalada Lisbon.

Irina Shayk ayaa sheegtay sababta ninkaa gaariga ugu deeqday in ay ahayd markii ay aragtay nolasha ninkaa ku nool yahay oo aad u liidata waxa ayna xustay in hore u balan qaaday in gaari siin doonto ninkaa hadii Real Koobka qaado.

Ninkaa oo 26 sano dirbi jiif ahaa ayaa maalin gudaheed kaga baxay saboolnimadii mudada 26 sano ku soo jiray waxa uuna sheegay in uu aad uga mahad celinayo Gabadhaa xayaysiisyada ka shaqaysa ee Gaarigaa ugu deeqday.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog