Wararka ka imaanaya Magaalada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland, kadib marki ay halkaasi isaga baxeen Ciidamadii iyo Masuuliyiintii Maamulka Khaatumo.
Dad kusugan Taleex ayaa sheegaya in goordhaw Magaaladaasi soo galeen laguna arkayo ciidamo katirsan Maamulka Somaliland oo aad u hubeesan kuwaa oo hada isku fidinaya qeybo kamid ah Magaaladaasi.
Masuuliyiintii Maamulka Khaatumo oo horey ugu sugnaa Magaalada Taleex ayaa la sheegay in halkaasi isaga baxeen iyaga iyo ciidamo ay wateen kadib markii ay ka warheleen in ay kusoo wajahanyihiin Magaaladaasi ciidamo aad u hubeesan.
Dagaalo goos goos ah ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen tuulooyin hoosyimaada Magaalada Taleex kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Somaliland iyo ciidamo ka amar qaata Maamulka Khaatumo.
Masuuliyiinta Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayana wali ka hadlin la wareegida Magaalada Taleex ee Gobolka Sool , mar sii horeesay ayaa sidan oo kale waxaa Magaaladaasi ula wareegay ciidamo katirsan Somaliland inkastoo ay markii dambe dib uga baxeen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
