Lionel Messi: Argentina In Badan Ayay Abaar Koob La’aana Ku Jirtay

Thursday, June 12, 20140 comments

Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa doonaya inuu soo gabagabeeyo abaarta koob la’aanta ah ee haysatay wadankiisa muddada dheer. Argentina ayay ugu markii ugu danbaysay qaaday koobka aduunka sanadii 1986 waxa kale oo ay ku guuldaraysatay inay ku guulaysato koobka Copa America kaas oo ay ugu danbaysay 1993.
Xidiga Barcelona ee Messi ayaa qirtay in ay tahay waxaan la aqbali Karin in muddo intaa leeg aya Argentina bilaa koob ahaato. Wuxuuna sheegay inay taas oo gabagabayndoonaan bishan soo socota marka uu koobka aduunku bilaamo.
Messi ayaa yidhi: “Argentina ku may guulaysan wax koob ah 20 kii sano ee ugu danbaysay. Waxaanu marti galinay Copa America sanadkii 2011 waananu ku guuldaraysanay inaanu qaadno koobkaas. Wadan loogu hanwayn yahay kubbada cacgta waa 20 sano oo bilaa koob ahi waa waqti dheer sidaa daraadeed waxaanu isku taxaluujinaynaa in aanu koobka aduunka ee Brazil ku guulaysano.
“Ayaan doonayn in uu ku guulaysto koobka aduunka? Anigu waxaan ahay Argentini waxaanu ku guulaysanay laba koob aduun, kii ugu danbeeyayna wuxuu ahaa 28 sano ka hor, waa waqti xataa anan dhalan anigu.

“Maan arag iyadoo jamaahiirtayadu ku dabaal dagaaya wadooyinka oo u dabaaldagaaya abaalmarinta ugu qaalisan ee koobka aduunka laakiin waan maqlay oo kaliya. Hadda waxaanu ka fikiraynaa wareega hore kulankiisa hore ee Bosnia-Herzegovina



_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog