VIDEO: K’naan oo Arin laga Filayn Ku Dhawaqay (Daawo) iyo Siyaasiyiin Soo Dhaweeyay

Monday, June 16, 20140 comments

knaan-abdi-warsameFanaanka asalkiisu yahay Soomaaliga uguna caansan fanka Soomaalida balse heysta dhalashada Canada Keynaan Cabdi Warsame ayaa u muuqda mid saameyn ku yeelanaya siyaasada wadanka uu dhalashadiisa heysto ee Canada.

K’naan ayaa loo doortay in uu ka qeyb galo olole doorasho oo xisbiga NDP uu ka wado gobolka Ontario, isagoo u heesi doona xisbiga, kuna dhiiri gelin doona in dadku codkooda siiyaan NDP.

Taageerada K’naan ee xisbigan ayaa laga filanayaa in ay dad badan ku kalifto in ay u codeeyaan NDP, ayadoo gaar ahaan Soomaalida loo badinayo in ugu shubaan xisbigan maadaama ay ku badanyihiin Ontario sidoo kalena K’naan aad loo wada qadariyo.


Waa markii ugu horeysay ee K’naan uu siyaasad lug ku yeesho, isagoo markii hore looga bartay heeso wadani iyo dhiiro gelin ah, balse aan qaadi jirin heeso xisbi ama dowlad gooni ah lagu taageerayo.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog