Haweenka in aad Ku Adkeyso Ma Rabtaa,,,Akhriso Qaabkan,,,,Good Lesson

Monday, June 16, 20140 comments

Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaaladaHargaysa, Sanadkii, 1972.

Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee isla magaalada Hargaysa.

“Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado,” ee Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.”Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa.

Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyigalbeed.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “Abdillahi Dheere” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi Galbeed “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in loo doortay kabitan-nimada kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka.

Waxa kale oo ay Qalbi u sheegeen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda Muqdisho oo ay kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga.

Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaab toona kam taqaan, sidaa darteed, waxay go’aansatay in ay dhanba u dhaafin gurigi martida la dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay, Mar ay tababar ku maqantahay, iyo mar ay Buug aqrisaneyso.

Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabtanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir.

Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dhaweyynta iyo martigalinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka.

Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday Nimco Jeego, waxeyna u sheegtay in ay kooxda horyaalka gabdhaha iyo wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimce soo galeyso dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Waxaa lasoo gaadhay habeenkii Qamiista ahaa ee ay Jimce soo galaysay, Waa habeen haba-yaraate wax caad ah uusan saarnayn circa, Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu wanaagsanaa, Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda, Waa habeen aad laydha caafimaad iyo neecawda caashaqa hawada ka nuugtid mooye, waa habeen ay naftu Raaxo dareemeyso, Waa habeen ay naftu guriga galba ku dhahaynin.

Waxaa hal-hal, labo-labo, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galay oo la isugu yimid marti-qaadkii cashada iyo hoteelkii Curuba.

Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay Waxaa qof walba sitaa waa labiskii ugu danbeeyay, Waa labiskii uu qof walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Alleylehe caawa xidho (xiro).

Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidnimo waxaa Albaabka Hoteelka Curuba gaar ahaan qolkiisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Ilaahey Dhumuc iyo dheraanba u dhameeyey, hubqaadkeeda iyo hannaan Socodkeeda ayaa aad iyo aad lola dhaygagay.

Waxaa mar qudh ah is-taagtay shanqadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimiyay.

Waxaa fadhiya dhanka midigta ee Albaabka laga soo galo Hoteelka Curuba, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallinyaro ah.

Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaaga iyo sharfta ka muuqatay gabadhan Albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar may taada noqoto, waxaase wiilashi isweydiyeen car yaa gabadhaas la hadli kara oo nin raga ah?,

Wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo uu isagu ku qaban doono Walow uusan ogeyn waxa uu kala kulmidoono, wuxuusan wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar ahaan habeenka ay isugu kiin horayso in aan dhayal iyo ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbise, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan habayaraatee loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah.

Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan, Horaybase loo yidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.”

Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay,

“Abaayo waa lagu salaamay.”

“Qalbi,”- walaal waa lagaa qaaday.

“wiilki,”- Abaayo qof miyaad raadineysay.

“Qalbi,”- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan.

“Wiilki,”- Abaayo hablihi martida ahaa inad tahay wan u jeeda, side-waaye.

“Qalbi,”- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego.

“Wiilki,”-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay Nooh.

“Qalbi,”- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa.

Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar intu aamusayba wax hadal ahi ka soo bixi waayay.

Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan ka dhunkatay ku tidhi, “Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed tahay.”

“Qalbi,”- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed tahay.

“Nimco“-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay gabadhi.

“Qalbi,”-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada.

“Nimco,”-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Caqli na maad istaqaanaan oo inteed isku barateen.

Qalbi”:- Maya Macaanto walaalkaa isma naqaane isagaa Iminka xoog igu bartay.

Markey Halkaasi Mareyso Sheekada ayaa Nimco kaxeysay Qalbi wexey Fariisisay meel Gaar ah oo loogu Talo galay Laakiin kadib maxaa dhacay.

Wiilkii Sharadka soo galay wuxuu ku laabtay Dhalinyaradii wuxuu isna iska Fariistay meel Gaar ah Fakar iyo murugo ayuu bilaabay, waxaa kor ka aragtay QALBI oo markii hore ku adkeysay Saaxiibkeen Xoogsade.

Qalbi wexey dareentay Rabitaanka XOOGSADE wexey ku fakartay in ay Wiilka wax la qabato laakiin Nasiib wanaag Sheekado halkaan ayey ka xumaan rabtaa.

Qalbi wey soo kacday Maadaama ay aheyd Gabar aad u qurux badan dadkii Xaflada Cashada ah kazoo qeyb galay ayaa indhaha la raacay Mar qura ayaa Saanteeda indhaha lala raacay, wexey u Tagtay XOOGSADE intey Salaantay ayey agfadhiisatay.

XOOGSADE wuxuu dareemay Xoogoo Geesinimo ah wuxuu isku dayay in uu gabadha ka fadhiga uga kaco laakiin QALBI ayaa qabatay, wexey si hoose ugu Sheegtay in ay ka heshay waxna ay la qabaneyso, XOOGSADE intuu Qeyliyay oo uu Afka 2 Taako ka dhigay ayuu ku Caraatamay NAA IGA TAG ANIGA KUMA RABO WAAN KU NACAY..!!

Dakii yaab iyo amakaak Ileen Gabdhuhu Marka lagu adkeeyo ayey wax Jeclaadaane QALBI waxaa laga fujin waayay XOOGSADE, marar badan ayey isku dayday in ay Saaxiibadiis ka codsato in ay mar uun soo horfariisiyaan balse wey ku Hungowday oo XOOGSADE isagoo gabadha ka helay ayuu hadana iska dhaadhiciyay in uusan rabin sidaas ayeyna Xafladii ku soo dhamaatay Iyada oo QALBIuu wali hami ka hayo in ay la kulanto XOOGSADE.

W/D Sacdiyo Cabdi Amoore,,












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog