Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in fanaanada boqorada codka jiilka cusub ee Farxiya Fiska ay gaartay heer ka duwan kana sareeya fanaaniinta asaageeda ah ee Soomaaliyeed, ayadoo la jaan qaaday fanaaniinta reer galbeedka ee dunida ugu caansan, kadib markii ay heshiis la gashay nin cadaan ah oo hantiile ah.
Hantiilaha cadaanka ah oo aan magaciisa iyo dhalashadiisa naloo sheegin ayaa muddo dheer daraaseynayay Soomaalida iyo fankooda, waxa uuna ugu danbeyn dadka Soomaalida weydiiyay fanaanada loogu jecel yahay cod iyo qaab ahaanba, ayadoo dadka intooda badan u sheegeen Farxiya Fiska in ay tahay tan loogu jecel yahay.
Ninkan ayaana ugu danbeyn Fiska ka dhaadhiciyay in ay wadamo aad u badan oo Shanta qaaradood dunida ka tirsan ay ku kala bixiyaan socdaal faneed oo wadan walba dhowr xaflad lagu qabanayo si loo gaarsiiyo Soomaalida dalalka ay ku nool yihiin oo dhan isla markaana wixi kasoo xarooda oo qarash ah qeybta ugu badan uu qaadanayo hantiilahan, maadaama uu marka hore isagu bixinayo wax walboo ku baxaya safarka, hoolalka xafladaha, sahayda safarka iyo wixi loo baahdo oo dhan.
Sida aan xogta gaarka ah ku heleyno Fiska ayaa waxaa wehlin doonta gabar ay saaxiibo aad isugu dhow yihiin oo lagu magacaabo Queen Tasha oo iyaduna qoob ka ciyaarka aad ugu fiican isla markaana sidaas darteed uu usoo xushay ninkan cadaanka ee maal gashiga ku sameynaya fanka Soomaalida gaar ahaan boqorada codka jiilka cusub ee Farxiya Fiska.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com