Haweeneyda lagu magacaabo Azatihan Sawuti oo 113 sano jir ah ayaa waxa ay la aqal gashay Aimti Ahemti oo 70 sano jir ah, waxaana xaflada arooskooda lagu dhigay magaalada Bachu ee galbeedka gobalka Xinjiang ee dalka Shiinaha.
Guurkooda ayaa waxa uu dhacay lix bilood uun kadib markii ay is-jeclaadeen
Xaflad aad u qurux badan ayaa loo dhigay lamaanahaan, waxaana kasoo qeyb galay dad badan oo isku deegaan ay yihiin, waxa uuna odaygu sheegay in uu ku faraxsanyahay guurka inkasta oo ay ka weyntahay uusanna qiimeyneyn arintaasi ee jaceylkiisa uu tix gelinaayo.
Waxa ay kulankoodii ugu horeeyay yeesheen bishii December ee 2013-ka waxa ayna xilligaa kadib ahaayeen saaxiibo jaceylku kusii fogaanayay.
Duqdaan ayaa waxa ay codsigii ugu horeeyay kadiiday seygeeda kadib markii uu usoo bandhigay qorshaha guurka iyada oo ka xishootay in ay aqal gasho da’deeda badan aawadeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com