Labadaan gabdhood ee mataanaha ah ayaa laga waayay sariitooda saqdii dhexe ee xalay iyagoo lasheegay in dalka Britain diyaarad karaaceen si ay ugu biiraan kooxda Dacish ee dalka Syria iyo Iraq kadagaalanta.
Gabdhahan 16-sano jirka ah ayaa kunoolaa iyaga iyo qoyskooda magaalada Manchester waxaana lasheegay iney uduuleen dhanka turkiye oo ay uga sii aadayaan dalka Syria.
Gabdhahan oo asal Somalia kasoo jeeda balse heesta dhalashada dalka England ayaa xalay 8am waxay waalidiintoodu sheegeen iney guriga laga waayay . Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay iney arintani baaritaan kusameyndoonaan iyo sidii tikidhada loogaga iibiyay gabdhahan.
Wargeyska the sun ayaa laga soo xiganayaa in gabdhahan ay duulimaad toos ah ugu safreen dalka Syria ,waxaana la’aamisanyahay in walaalkood kaween uu kamid yahay kooxda Dacish ee dalalka Syria iyo Iraq kadagaalanta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com