Askarta Nabad Ku Afur loogu yeero, ayaa waxaad mooddaa inaanay iskuba kalsoonayn, iyadoo ay si khalafsan u wajahayaan bulshada, kolka ay dareen ka muujiyaan dadka qaarkii.
Maxamed Cali Yaxye oo ka mid ah dadka degan Magaalada Muqdisho, ayaa sheegayaa in Ciidamada ay dadku ka joojinayaan iyagoo tiro tallaabo ah u jira, waxayna si kore u weydiiyaan waxyaabaha ay wataan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka qaar ee aan gacmaha waxba ku sidan, ay Ciidamadu ku amrayaan inay kor u qaadaan shaararkooda, ka hor inta aynaan u soo dhowaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Waxaad sidoo kaloo dareemeysaa in dilalka ka dhanka ah askarta Dowladda uu saamayn ku yeeshay, hawlgalada ay askartu ka fulineyso Isgoyska Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, marka aad eegto sida ay u qaabilayaan bulshadu.
General C/naasir Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Kacaanka, ayaa tilmaamay in uu wax badan ka khaldan yahay qaabka ay ku hawlgalayaan askarta, sidoo kalana uu liito Nidaamka Maamulka Gobolka Banaadir.
General C/naasir Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in hanaanka amni ee Muqdisho wax looga qaban karo, iyadoo isbedel lagu sameeyo Madaxda laamaha ammaanka.
Korneyl Maxamuud Cabdi Cumar (Xamari) oo ka mid ahaa Saraakiishii Booliska ee Dowladdii Dhexe ee Somaliya, ayaa Jimcihii sheegay in Barnaamijka Nabad Ku Afur uu dadka reer Muqdisho ku soo kordhiyay, dhib aysan horey u qabin.
Korneyl Xamari, ayaa wuxuu si adag uu Madaxweynuhu ugu eedeeyay inaanu horu-socod lahayn, kolka falal ka baxsan ammaanka ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, inuusan isbedel ku samayn Saraakiisha ammaanka.
“Madaxweynaha wuxuu noqday mid fadhiid ah, dadkii buu dhibaatada ku daawanayaa, kolka ay dhibaato dhacdo waxaa la rabaa in isbedel uu sameeyo. Saraakiisha ammaanka waa in uu Madaxweynuhu wax ka bedelaa.” ayuu sii raaciyay Korneyl Xamari.
Si kastaba ha-ahaatee bedelkii dadka reer Muqdisho ay wada shaqayn la yeelan lahaayeen Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxaad arkeysaa inaysan dadku jeclayn muuqaalka askarta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com