Alshabaab oo War lama Filaan Ka soo saartay dilkii xildhibaan Saado Cali Warsame

Saturday, July 26, 20140 comments

Saado Cali oo dhexda ugu jirta Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Adan Samatar

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka fanaanada caanka ah, Saado Cali Warsame, oo maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Saado Cali ayaa sidoo kale xildhibaanad ka ahayd baarlamaanka Soomaaliya.

Dablay hubaysan ayaa rasaas ku furay baabuurka waday Saado Cali, oo marayay xaafadda Hodan ee Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in qof kale oo ka tirsan shaqaalaha baarlamaanka oo Saado Cali Warsame la socday isaguna la dilay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanayay Muqdisho bishan Ramadan-ka.

Ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka baxay sanadkii 2011-ka, balse waxaa uu weli ka fuliyaa weerarro iyo dilal qorsheysan













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog