Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa sheegay in Dilkii Xildhibaanad Saado Cali Wrasame iyo Xildhibaano kale oo Muqdiso lagu dilay lagasoo agaasimay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaan Saciid Diiriye Daba-gub oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garawe ayaa tilmaamay in Dilka Muqdisho loogu geestay Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Xildhibaanada kale ee Maxamed Warsame Feysal,iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd dhamaan laga soo agaasimay Xarunta Madaxtooyada .
Saciid Diiriye ayaa xusay in qaabkii loo dilay Xildhibaanad Saado Cali ay muujineyso mid ka duwan qaababkii looga bartay in Al-Shabaab waxa u dilaan , waxa uuna Tilmaamay in Xildhibaanada lagu dilay qoryo culus oo inta badan aysan adeegsan Al-Shabaab.
‘’Waxaan ognahay in Dilka loo geestay Sadax Xildhibaan oo kasoo jeeda Puntiland oo kala ah Saado Cali Warsame , Maxamed Warsame Feysal, Xildhibaan Maxamed Maxamuud laga soo agaasimay Gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.’’ Ayuu yiri Xildhibaan Saciid Diiriye.
Xildhibaankan ayaa sheegay in ay ogyihiin Xildhibaano kale oo kasoo jeeda Puntiland oo la qorsheeyay in lagu dilo Magaalada Muqdisho , waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanada Puntiland in ay kasoo tagaan Muqdisho.
Hadalka Xildhibaankan Puntiland kasoo yeeray ayaa imaanaya xili ay jiraan Tuhuno badan oo la xariira in dilalka Xildhibaanada ee ka dhaca Magalaada Muqdisho aysan intooda badan ka dambeyn Xarakada Al-Shabaab balse sheegata Masuuliyada dilalkaasi
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com