Ciidamada kala duwan ee Dowlada Soomaaliya oo gacan ka helayay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho.
Howlgalka ay maanta Ciidamada Dowlada iyo kuwa MAISOM sameeyeen ayaa u muuqday kuwa qorsheesan oo lagu galayay garaashyada baabuurta la dhigto oo la tuhmayo in lagu soo diyaariyo gawaarida is qarxisa iyo goobo kale oo bartilmaameed ahaa oo kuyaala Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Howlgalka waday ayaa adeegsanayay Eeyo loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa kuwaa oo la sheegay in ay ku guuleesteen in ay ka shifaan gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo yaalay Garaash ku yaalay Xaafada Al-Baraka ee Degmada Hoan.
Gaarigan waxyaabaha qarxa lagu diyaariyay ayaa la sheegay in la qorsheenayay in Al-Shabaab ku weeraraan goobo muhiim ah sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo goobo kale sida ay ku warameen Saraakiil laamaha amaanka katirsan.
Howlgalka Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay maanta ka sameeyeen Qeybo kamid ah Magaalada Muqdiso ayaa lagu qab qabtay dad badan kuwaa oo qaarkood loo gudbiyay saldhigyada Ciidamada Nabad Sugida.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com