Daawo Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Qoryoole iyo Khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamaayay.

Wednesday, July 16, 20140 comments

Warka naga soo gaarayo Degmada Qoryoole ee Gobolka sh/hoose, ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu Habeenimadii xalay ka dhacay duleedka Degmadaasi ka gadaal markii ay Kooxda Alshabaab weerar culus ku qaaday Fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada AMISOM.

Inta uu Dagaalka socday ayaa waxaa leysu adeegsanaayey hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinacba ay Hoobiyayaal ku garaacayeen Qoryooley, inkastoo aan weli la shaacin Khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee duleedka Qoryooley, ayaa xaqiijiyay in inta dagaalka uu socday ay Khasaaro gaarsiiyeen Kooxda weerarka soo qaaday oo ay ku sheegen Alshabaab, islamarkaana ay ka qaateen Hubkii lagu soo weeraray.

Waxa ay sidoo kale Xaqiijiyeen ka hor inta aan lagu soo qaadin weerarka inay ka feegjignaayen weerar kaga imaada dhanka Alshabaab, balse ay iska difaacen weerarkii lagu xasuuqi lahaa, sida ay Saraakiisha AMIOSM warka u dhigeen.

Dhanka kale, Kooxda Alshabaab ayaa iyaguna sheegtay in weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan ay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamadii AMISOM ee weerarka lagu qaaday, waxa ayna Tilmaameen in weerarka uu geystay Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada AMISOM sida ay Kooxdu hadalka u dhigtay.

Lama Oga halka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha waxa ayna labada dhinac kala sheeganayaan guulo, wallow dadka halkaasi ku nool ay sheegayaan inay Arkayeen Khasaaraha labada dhinac.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog