Cudurka dhiig-karka waa cudur joogta ah oo kamid ah cudurada u gogol xaara xaaladaha caafimaad ee dilaaga ah sida wadna qabadka (heart attack), maskax-dhiig-furanka (stroke), kilya fashalka (kidney failure),cudurada xididada (vascular diseases), iyo sidoo kale xaalado kale oo cul-culus, hadaba qeybta koobaad ee maqaalkan waxaan ku eegi doonnaa waxa uu yahay cudurkan, calaamadihiisa, iyo waxyaabaha sababa,. sidoo kale haduu alle idmo qeybta labaad waxaan ku eegi doonnaa habka loo daweeyo iyo talooyin muhiim ah oo ku socda bukaanka qaba cudurkan, talooyinkaas oo quseeya nolol maalmeedkooda.
______________________________________
• WAA MAXAAY DHIIG-KAR?
Dhiig-kar waxaa loo yaqaanaa kolka cadaadiska dhiiga halbowlaha (arterial blood pressure) uu ka sara maro heerka caadiga ah ama la aqbali karo ee u dhaxeeya 120—140 mmHg oo kor ah (systolic), iyo 80-90 mmHg oo hoos ah (diastolic), kor iyo hoos ama systolic iyo diastolic waxey ka tarjumayaan labada xaaladood oo uu wadnuhu maro had iyo jeer, oo kala ah kolka uu iskusoo ururayo oo uu bambeynayo dhiiga, xaaladaas soomaalidu waxey tiraahdaa “kor” cadaadiskeeduna waa 120, iyo kolka uu kala baxayo uu dhiigu ku shubmayo oo ey soomaalidu tiraahdo “hoos”, cadaadiskeeduna waa 80. Eraybixinta kor/hoos waxey ka timid aqrinta nambarada, laakin xiriir lama lahan eray bixinta saxda ah. Hadaba heer-karka dhiiga waxaa loo qeybiyaa afar qeybood:
1. CAADI (NORMAL): oo ah 120 kor ah, iyo 80 hoos ah.
2. DHIIG-KAR KAHOREEYE (PREHYPERTENSION): oo ah 120-140 kor ah, iyo 80-90 hoos ah, caadaadiskaan ma ahan dhiig kar, gaar ahaan dadka dhalin yarada ah waa wax caadi ah, laakin dadka waaweyn marki cadaadiska dhiigooda uu heerkan yimaado waxaa looga baqaa dhiig-kar, waxaana loo yaqaanaa prehypertension stage, ama marxalad dhiig-kar ka horeysa.
3. MARXALADA 1-AAD EE DHIIG-KARKA: oo ah 140-160 kor ah, iyo 90-100 hoos ah
4. MARXALADA 2-AAD EE DHIIG-KARKA: oo ah wixi ka badan 160 kor ah, iyo 100 hoos ah, waa xaalad digniin ah, hadii aan cadaadiska dhiiga bukaankan hoos loosoo celinne wuxuu halis ugu jiraa xaalado kale oo cul-culus.
____________________________________
Dhiig-karka waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah mid bilaw ah oo ka dhashay sababo dhaxal ama bey’ada ah oo eysan jirin wax la’ogyahay oo sababay (primary hypertension), waa kan ugu badan sababana qiyaastii 90%, iyo mid ey sababtay xaalad caafimaad oo kale (secondary hypertension) sida xaalado ku dhaca kilyahay, xididada, wadnaha, iyo hab-maamulka hormoonada jirka
____________________________________
• CALAAMADAHA DHIIG-KARKA
Inta badan dhiig-karku waa cudur shibane ah, waana sababta keentay in laguba naaneyso “dilaaga aamusan” (silent killer), bukaanada qaar waxey qabaan sanado badan ayagoon dareensaneyn, inta badan waxey ka warhelaan ayagoo maraya baaritaano guud, halka qaarkood eyba ku waabariistaan wadno qabad iyo wixi lamid ah ayagoonan ogeyn waxa sababay in uu yahay dhiig-kar, balse waxaa jira calaamado mararka qaar la arko, waxaana kamid ah mdax-xanuun gaar ahaan qeybta dambe ee madaxa, war-wareer, araga oo wax iska badalaan, barar, iyo mararka qaar suuxdin. Laakin calaamadahaas ma ahan kuwo dhamaantood lala xiriiriyo dhiig-karka waxaana la sheegaa in qaarkood ey yihiin xaalado nafsiyan (psychological) ugu dhaca dadka ogaaday in ey dhiig-kar qabaan. Dhanka kale dhiig-karka hadii uu yahay secondary oo uu la xariiro xaalad kale oo caafimaad waxaa la socon kara caalamado kale oo la xiriira hadba nuuca ey tahay jirada kale ee sababtay dhiig-karka.
_______________________________________
• MAXAA SABABA DHIIG-KARKA?
Marka lagasoo tago secondary hypertension oo ey sababaan cuduro kale, boqolkiba sagaashan (90%) lama oga waxyaabaha sababa dhiig-karka, balse waxaa jiro dhaxal-sidayaal (genetic) iyo cunsur bey’ada la xiriira (environmental factors) oo isku tagay ayaa loo aaneeyaa dhiig-karka, waxaana kamid ah:
1. DHAXAL: qoyskaaga hadii uu dhiig-karku ku jiro, fursada in uu kugu dhoco waa laba jibaar dadka kale ee aanan asal u laheyn cudurkan, (sababtuna ma cada).
2. ISIR: dhiig-karku wuxuu ku badanyahay dadka madowga ah marka loo barbar dhigo dadka cadaanka ah, (sababtuna ma cada)
3. DA’DA: dhiig-karka wuxuu ku badanyahay dadka duqowshada ah, wuxuuna si gaar ah ugu badan yahay raga.
4. CAYILKA: mar kasta oo cayilkaagu badanyahay, wadnahaagu wuxuu u baahanayaa in uu awood dheeraad ah u isticmaalo sidii uu jirka ku wada gaarsiin lahaa dhiiga, sidaane waxaa kor ugu kacaya cadaadiska dhiigaaga.
5. JIMICSI LA’AANTA: jimicsi la’aanta waxaa lala xiriiriyaa sababaha dhaliya ama uga dara dhiig-karka.
6. SIGAARKA IYO TUBAAKADA: kaliyah ma ahan in maadooyinka ku jira ey kor u qaadayaan cadaadiska dhiiga, balse sidoo kale waxey dhaawacayaan xididada taasoo keeneysa in ey adkaadaan islamarkaane yaraadaan.
7. CUSBADA: Sida caadiga ah cusbada iyo biyaha ka dheeraadka ah baahida jirka waxaa saara kilyaha oo kaadida ku dara, balse qofku hadii uu qaato cusbo badan oo eyna kilyuhu saari Karin, wuxuu jirku u baahanaa in uu sidoo kale biyaha dib ugasoo dhuuqo kilyaha si uu usaxo dheeli-tirka cusbada iyo biyaha, taasoo keeneysa in biyo badan oo eheyd in jirka laga saaro ey dib ugusoo noqdaan, taasoo keeneysa in dheecaanka ku jira gudaha xididada ey ka bataan sidi caadiga aheyd, waxaana ka dhalanaya arimahaasoo idil in uu kor u koco cadaadiska dhiiga.
8. AALKOLADA/KHAMRADA: khamradu waxey dhaawaceysaa xididada, waxeyna kor u qaadeysaa heer-karka dhiiga.
9. WALWALKA: Bini’aamka marka uu walwalsanyahay jirkiisu wuxuu ku jiraa xaalad heegan ah, taasoo macnaheedu yahay garaaca wadnaha oo kor u kaca iyo xididada jirka oo ciriiri noqda, arimahaane waxaa sababa hormoono uu jirku soo daayo waqtiga walwalka, hadaba lama hubo in walwalku uu abuuro dhiig-kar joogta ah, balse waxaa la hubaa in uu kor u qaado cadaadiska dhiiga si kumeel gaar ah, islamarkeene uu ku kiciyo qofkii horay u qabay, balse hadii uu bato ama uu soo laalaabto wuxuu isku badali karaa mid joogta ah.
10. CUDURADA QAAR: sida sokorta, cudurada kilyahay, cholesterolka kor u kaca, iyo cuduro kale ayaa ka qeybqaata sababida dhiig-karka.
11. UURKA: dhiig-karka ku dhaca haweenka uurka leh aad ayuu ubadanyahay, waana mowduuc weyn oo mudan in gaar looga hadlo.
_________________________________________
Hadaba cudurkan sidee loo maareeyaa? Maxaase looga baahanyahay qofa qaba in uu noloshiisa ka badalo, arimahaa oo idil waxaan ku wada ogaan doonnaa maqaalkeena xiga insha’allaahu tacaaa.
Wabillaahi towfiiq.
W/Q: Dr. Axmed Xalaa
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com