Diyaarad laga leeyahay wadanka malaysia oo ku dhacday bariga Ukraine

Friday, July 18, 20140 comments

Masuuliyiinta dalka Ukrainian ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah lagu soo riday bariga dalka, halkaasi oo ah goob ay ka dagaallamayeen kooxaha mucaaradka ah ee taagersan Ruushka.

Waxa ay sheegeen in dhammaan 295 qof oo saarnaa diyaaradda oo laga lahaa dalka Malaysia ay dhinteen.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam waxay u socotay Kuala Lumpur.

Burburkii diyaaradda oo gubanaya ayaa la arkayay, waxaana qof dadka badbaadada ah uu sheegay in meydad badan halkaasi laga helay.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda ay soo rideen wax uu ugu yeeray argagixiso, waxaana uu ku baaqay baaritaan caalami ah

Masuuliyiinta Ukraine ayaa eedeeyay kooxaha gooni u goosadka ah ee Ruushka taageersan laakiin mucaaradku waa ay beeniyeen inay wax lug ah ku leeyihiin, waxaana ay sheegeen in ciidanka dowladda ay ka masuul yihiin.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog