Ciidamada Yahuuda Israa’iil oo la ilmeenaya Askar looga dilay Duulaanka ay ku qaadeen Gaza (Daawo Sawirada)

Monday, July 21, 20140 comments

Ciidamada Yahuuda Israa’iil ayaa wali wada duqeynta ay ku hayaan Magaalada Gaza , waxaana Duqeynta Yahuudu wado shalay oo axad ah kaliya ku dhintay dad gaaraya 90-qof oo reer Falastiin kuwaa oo u badan dad shacab ah.

Ururka Xamaas ee Dagaalka kula jira Yahuuda Israa’il ayaa dhankooda wada Duqeyn iyo iska caabin ay kaga hortagaan Duulaanka gardarada ah ee Yahuuda kusoo qaaday Magaalada Gaza ee Dhulka Reer Falastiin.

Yahuuda Israa’il ayaa Weerarka ay ku hayso Gaza waxaa looga dilay 13-qof oo u badan askarta qeybta ka ah Duulaanka , waxaana lasoo bandhigay Sawirada qaar kamid ah Ciidamada Yahuuda oo la ilmeenaya dilka loo geestay qaar kamid ah asxaabtooda.

Dhinaca Kale Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay nolosha ku qabteen Askari Yahuudi ah oo qeyb ka ahaa dagaalka kasocda Gaza , waxaana warkan kasoo baxay Xamaas uu walaac badan ku beeray Yahuuda xasuuqa u geesaneyso shacabka Reer Falastiin.

Dhinaca kale Yahuuda Israa’il ayaa sheegtay in ay baareyso warka kasoo baxay Ururka Xamaas ee ku aadan in askari nolosha uga qabsadeen , waxa uuna Raisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ku hanjabay in weerarka ciidamada Israa'iil ay ku qaadeen Gaza uu sii socon doono lana ballaarin doono si loo soo cesho ammaanka Israa'iil.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog