Daawo: Dil maanta ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Ciidamada Dowlada oo dad badan xir xiray

Sunday, July 13, 20140 comments

Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeyaha waxa ay ku dileen Askari la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya.

Goob joogayaal kusugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in Askari katirsan Ciidanka Nabad Sugida lagu dilay Suuqa Cabdalle Shideeyaha , waxa ayna intaa ku dareen in dilka kadib kooxihii dilka geestay ay goobta ay isaga tageen.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo daqiiqado kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa howlgal ay dad badan ku qabteen waxa ay kasameeyeen Suuqa Bakaaraha , Ciidamada ayaana xir xiray dad u badan dhalinyaro

Dilka loo geestay askariga katirsan Ciidanka Nabad Sugida ayaa saameyn badan ku yeeshay howlihii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeyaha .

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Dilal qorsheesan oo loo geesanayay Masuuliyiin iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah , waxaana inta lgu guda jiro bisha Ramadaan lagu dilay Muqdisho dad kor u dhaafaya 50-qof.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog