Xarakada Alshabaab oo dhalinyaro lagu Eedeeyay Basaasnimo ku toogtay Degmada Baraawe (Akhriso Magacooda)

Sunday, July 13, 20140 comments

Warka naga soo gaarayo Degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Kooxda Alshabaab dil ku fulisay dhalinyaro ay ku eedeysay Basaasnimo.

Sheekh Abuu Cabdalla oo ah Wakiilka Kooxda Alshabaab ee Gobolka Sh/hoose, ayaa kawar bixiyay dilka dhalinyaradaasi waxa uuna sheegay inay ku heleen falal la xiriira Basaasnimo.
Waaliga, ayaa sheegaaya in raggaan ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen waxa uu ugu yeeray cadowga Alle, isla-markaana uu xukunkoodu noqonaayo dil toogasho.

Maxkamada Degmada Baraawe ee Ururka Al Shabaab, ayaa xukunka ku riday labadaan nin, xilli Qaaliga Maxkamada uu sheegay in raggaan ay qirteen inay jawaasiis ahaayeen, sida uu yiri.

Qaadiga Maxkamada ayaa waxa uu Magacyada labadaasi ruux ku sheegay Cabdi xasan Xuseen 19 jir, Saciid Xusein cali 23jir, wuxuuna Tilmaamay ay ku fuliyeen Dilka, isagoona sheegay inay ula gun leeyihiin ku waana qaadashada dadka kale ee Degmada ku nool.

Dhanka akle, Maxkamada Shabaabka, ayaa waxay xukunada ku qaadaa ragga lagu eedeeyo basaasnimada, kuwaa oo mararka qaarkood ku dhex jira dagaal-yahanada Shabaabka taabacsan.

Lama Oga inay ka tirsanaayen Dhalinyaradaasi Basaasiinta Dowlada iyo in kale, waxa uuna Qaadiga sheegay inay qirteen inay la shaqeynayeen BS-ta Dowlada






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog