Iyada oo xalay dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqday gudi soo dhameestira maamulka koofur galbeed ee 3-da gobal iyada oo aan kala tashan dhinacyada ay khuseyso ayaa maanta waxaa magaalada ka dhacay kulamo waaweyn oo looga soo hor-jeedo, waxaan kulan kamid ah kulamadaasi oo ka dhacayay Hotelka City Plaza hakiyay ciiidamo nabad sugid ah oo gabi ahaanba amar ku bixiyay in aan la qaban Karin kulan lagu diidanyahay gudiga la magacaabay.
Kulanka la hakiyay ee ka socday City Plaza ayaa waxaa isugu yimid odayaasha dhaqanka ee dega gobalka Shabeelada hoose si ay uga dhiidhiyaan gudigii madaxtooyada looga dhawaaqay iyada oo aan lagala tashan, waxaana ciidanka Nabad-sugida ah ee hakadka geliyay hogaaminayay taliyaha nabad-sugida ee degmada Cabdi-casiis kaas oo sheegay in lagu siiyay amar in hoteelkaasi aan lagu qaban Karin shir ka dhan ah maamulka koofur Galbeed ee sababay in Soomaalida uu soo kala dhex galo khilaaf xoogan.
Sida aan ku helnay ilo warar lagu kalsoonyahay oo arinta aad ula socday, ciidamada ayaa waxa ay si lama filaan ah uga dul dheceen odayaasha kulanka lahaa iyaga oo handaday, inkasta oo aan la tebin dhibaato intaa kabadan oo ay kula dhaqaaqeen odayaasha.
Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay xalay ku dhawaaqday gudi ay ku sheegtay in uu soo dhameestiri doono maamulka lagu muransanyahay ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose iyada oo ay xusid mudantahay in Shabeelada Hoose ay hoos tagto maamulka Shabeella State ee ka kooban Shabeelooyinka.
Hakinta kulanka maanta ka dhacayay city Plaza ayaa waxa uu muujinayaa sida dowlad Soomaaliya ugu dhiiraneyso caburinta afkaarta beelaha dega gobalka Shabeelada Hoose oo aan horay looga qeyb galin qorshaha looga tashanayo maamulka Badhabo saldhigiisu yahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com