Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo khuseeya dhinaca ...(Daawo Sawirada)

Thursday, July 17, 20140 comments

Waxaa magaalda Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia habeenkii xalay ahaa lagu kala saxiixday heshiis iskaashi kaa oo khuseeya dhinaca Waxbarashada laba dowladood Soomaaliya iyo Ethiopia waxaana u kala saxiixay Wasiirada Waxbarashada labada dal.

Heshiiskaan oo ka koobnaa dhowr qodob oo aad muhiim u ah ayaa la filayaa in dhawaan la dhaqan galiyo iyadoona si dhaw la iskaga kaashanayo dhinacya Shahaadada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Waxbarashada ay u aadayaan dalkaas.

Soomaaliya waxaa Heshiiska u saxiixay H.E. Ciisa Maxamed Axmed (Guraase) Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta halka uu dowladda Ethiopia u saxiixay H.E. Demeke Mekonnen Wasiirka Waxbarashada ee Ethiopia, waxaana dhawaan la faliyaa in uu bilowdo dhaqan galinta heshiiskan iyagoona ay ka shaqeyn doonaan guddiyo farsamo.


Ethiopia waxa ay ka mid tahay dowladdaha ay inta badan ardayda Soomaaliyeed u aadaan waxbarashada, waxa ayna tani daba soctaa heshiisyo ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya la gashay Dalal badan kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Sudan, Yemen, Turkey, China iyo kuwa kale.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog