Daawo Fanaanka Shiine Akhyaar Oo Sameeyay Arrin Taageerayaashiisu Aysan Ka Filayn

Tuesday, July 8, 20140 comments

Gudoomiyaha ahna abwaanka kooxda caanka Waayaha cusub ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shiine Akhyaar, ayaa la sheegay in dhowaan uu magangalyo weydiistay dowlada Ingiriiska, ka dib markii uu halkaasi ku tagay howlo-faneed.

Ilo xog ogaal ah oo ay heshay shabakadaan, ayaa tilmaamaya in gudoomiyaha Waayaha cusub uu London ku sugan yahay muddo laba bil ah, ka dibna uu si hoose u raadiyey xog ku saabsan qaabka la isku dhiibo iyo kiiska uu ku andacoon karo ee ah inuusan ku laaban karin Nairobi oo lafahiisa uu uga soo cararay.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Shiine Akhayaar uu taageerayaashiisa ka qarinayo inuu iska dhiibay UK.

Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa Shiine Akhayaar uu viso ku tagay dalka UK, hase ahaatee markaasi waxaa la sheegay in markii uu dhameystay howshiisa uu ku laabtay Kenya.

Xogta waxay sheegaysaa in Shiine uu haddana mar kale fursad u helay inuu viso (dal ku gal) uu tago London laba bil ka hor, markaana uu go’aan ku gaaray inuusan laaban oo uu iskaba dhiibo UK.

Waxaa loo sababeenayaa isdhiibida Shiine Akhayaar amaan-darada ku soo korortay magaalada Nairobi, iyadoo marar badan ay kooxdiisa qaaday heeso uu isagu hal abuuray oo ku tilmaamaysaa Al-Shabaab koox argagixiso baneesatay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sanadkii hore gaar ahaan waqtigii qaboobaha (Winter season) ayaa la sheegay in Shiine Akhayaar uu howlo faneed u yimid London, UK laakiin aanu waqtigaasi is dhiibin.

UK waxaa horey u deganeyd fanaanadii lagu xaman jiray ee Ikraan Caraale.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog