Waxaa indhawaale murran uu ka taagnaa mashruuc ay maalgeliyeen Midowga Yurub oo lagu biyo gelinayo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Murrankan ayaa la xariira habka loo maareenayo biyo gelinta arrintaasi oo salka u heysay cabsi ay shacabka ka qabeen in si musuq maasuq ah loo hirgelin doono mashruucaan oo la hormarin doono qaar kamid ah xaafadaha.
Magaalada Hargeysa oo ay ka jirto biyo yaraan baaxadleh ayaa xiligan mashruuca la doonayey in si siman looga hirgeliyo sadexda xaafadood oo kala ah, Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.
Murrankan ayaa loo saaray Guddi isugu jira Wasiiro iyo Odayaal dhaqaameed iyo waliba Duqa magaalada Hargeysa ayaa Isniintii yeeshay kulankoodii ugu horeeyey oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Hargeysa.
Kulankan ayaa lagu lafo guray sidii loo xakameyn lahaa warar badan oo ay dadka shacabka ah isla dhexmarayaan oo la xariirta in mashruuca biyo gelinta ay si gaar ah u maamulanayaan xubno kamid ah dowlada, arrintaasi oo ay beenisay dowlada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Suldaan Yusuf Xiiray oo kamid ahaa guddiga Madaxweynaha Somaliland arrintan usaaray ayaa saxaafadda u sheegay in kulankoodii ugu horeeyey si wanaagsan u dhacay, isla markaana mashruuca biyo gelinta si siman looga faa’iideyn doono dhamaan xaafadaha Hargeysa gaar ahaan sadex xaafadood oo ugu baahida badan dhanka biyaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com