- Ganacsatada Soomalida Emirate-ka oo bilaabay kala carar iyo dhuumasho aan looga baran (Waa maxay sababtu)Warka aan ka heleyno Magaalada Dubai ee Dalka Isutaga Imaaraadka, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi ay Jeelka dhigeen Ganacsade Soomaaliyeed oo can ka ahaa Dalkaasi.
Ganacsadahaani Soomaaliyeed, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur oo ku magac dheer 'Qalabxoor' waxaana la sheegayaa in goobtiisa ganacsi ay ka ka xeysteen Ciidamada Ammaanka, waxa ayna u dhaadhiciyeen Saldhiga weyn ee Magaalada.
Ganacsato Dalkaasi ku sugan ayaa shabakadani u xaqiijiyay in xariga Axmednuur 'Qalabxoor' uu qalqal ku beeray, waxa ayna tilmaameen in Ganacsadaha uusan wax lug ah kulaheyn Siyaasada, ganacsi xumo iyo Musuq-maasuq, taasina ay dhalisay in Ganacsatada qaar ka dhuunten goobahooda.
Mohamed Cabdullahi oo kamid ah dadka ku ganacsada Dalkaasi oo xariga ganacsadaha ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’ Axmednuur Qalabxoor wax lug ah kuma laheyn Siyaasadaha iyo Arrimaha khilaafayo sharciga Dalka, xariga waxa uu sababayaa inuu sameyn nagu yeesha maadama Ganacsadahaasiba leyska xirtay’’ ayuu yiri
Axmednuur 'Qalabxoor' ayaa wali u xiran Booliska Dubai isagoo Labo todobaad kahor ay Ciidamadda u taxaabeen Saldhiga Boliiska ee ku yaar Bartamaha Magaalada Dubai.
Dhanka kale, Xariga Ganacsade Axmednuur 'Qalabxoor' ayaa waxa uu Amakaak iyo yaab ku abuuray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Dubai, madaama Axmednuur 'Qalabxoor' uu ahaa Ruux aan Siyaasad, Koox Diineed iyo Ganacsi Musuq maasuq midkoodna lug ku laheen.
Ciidamada ayaa diidan in Axmednuur 'Qalabxoor' lagu soo booqdo Saldhiga waxa ayna weli cadeyn la yihiin Ujeedka ka dambeeyay xariga Ganacsadaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com