Halkii ay ku dhaceen Duqeyntii Diyaarado Dagaal shalay ka geesteen Degmada Jilib (Daawo Sawirada)

Wednesday, July 23, 20140 comments

Diyaarado Dagaal oo la rumeesan yahay in laga leeyahaya Dalka Kenya ayaa shalay Duqeymo xoogan waxa ay ka geesteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe, Degmadaas ay maamulaan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Labo kamid ah Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa la sheegay in ay fuliyeen Duqeynta ku dhacday Degmada Jilib , waxaana goob joogayaal kusugan Jilib sheegeen in Duqeynta shalay ay ka badalneed kuwii hore.

Sawiro laga soo qaaday halkii ay ku dhaceen Gantaalada laga soo tuuray Diyaaradaha Dagalaka ayaa muujinaya godad waa weyn ay qodeen , waxaana Al-Shabaab ay shaki galinayaan in Diyaaradaha Dagaalka ee duqeynta geestay Kenya laga leeyahay maadama Duqeymihii hore aysan sidaan oo kale gantaalada lasoo rido dhulka aysan u qodi jirin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Duqeyntii shalay ku dhacday Degmada Jilib aysan geesan wax qasaaro ah , mana jirto wali cid sheegatay Masuuliyada duqeynta shalay lagu garaacay Degmada Jilib ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog