Daawo Guddoomiyayasha Degmoyinka G/Banaadir oo ku mashquulsan Aroos iyo Shacabka oo dhaliilo u jeedinaayo.

Sunday, July 13, 20140 comments

Iyadoo dhawaan Degmooyinka Gobolka Banaadir loo magacaabay Guddoomiyayaal Cusub, ayaa waxaa hadana jiro dhaliilo kala duwan oo ay dadka Magaalada Muqdisho u jeedinayaa Guddoomiyayaasha.

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Guddoomiyayaasha ku dhaliilayaan Amaan darida ka taagan Degmooyinka iyo Falalka Amni daro ee kusii badaneys magalada, waxa ayan sidoo kale, hadal hayaan shacabka in Guddoomiyayaashu ay isugu Hambalyeynayaan Aroosyadooda halka Ammankana uu gacanta ka baxayo.

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayaa Hambalyo ay hawada isu marinayaa Guddoomiyahaasha oo ay iminka u bidhantay Nolosha dhabta ah, waxa uuna mid waliba midka kale ugu Hambalyeynayaa inuu Alle Marwadaasi ka siiyo Ubad Kheyr qaba.

Dadka qaar ayaa waxa ay Guddoomiyayaasha ku dhaliilayaan xiliga ay kusoo beegen guurkoda maadama Dalka uu ka jiro Ammaan dari, gaar ahaan Degmooyinka.

Sidoo kale, Dadka shacabka ayaa is weydiinayo sababta keentay in Guddoomiyayaashu ku deg degaan guurka xilli mudo yar ay hayaan xilalka Degmooyinka, waxa uuna Aroos kooda u muuqanayaa mid saf ah oo ay ku muujinayaan ka bixida Iskaabulnimadooda.

Mahad Xassan oo isagu kamid ah dhalinyarada inta badan Fakirta ka dhiibtay Hambalyooyinka ay Guddoomiyayaashu Hawada isu marinayaan ayaa waxa uu yiri ‘’Waa arrin loo bahan yahay inay guursadana laakin waxa ay Su’aashu ka taagan tahay maxaa isku xij-xijiyay Arooskooda, iyagoo goor dhow xilka loo dhiibay, anigu fakir ahaan waxaan qabaa inay iska dhaafan Mashquulka Farxadaha oo ay xooga saran Ammaanka Degmooyinka loo magacaabay, waayo dadku waa Illalo aan lagu dirsan Arooska hanoo dambeeyo ee aan xoojino Ammaanka’’ 

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Labadii Asbuuc ee lasoo dhaafay ka dhacay dilal kala duwan oo loo geysanaayo dadka ku nool degmooyinka, waxa ayna taasi ka turjumeysaa halka uu gaarsiisan yahay dayacnaanta Ammaanka Magaalo madaxda Dalka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog