Video: Daawo Wiil Soomaaliyeed oo la ilmeeyay Dhibaato Xanuun badan oo qabsatay Askari ilaalo u ahaa Madaxweynaha

Sunday, July 13, 20140 comments

Wiil Soomaaliyeed oo ku nool dalka Turkiga ayaa la ilmeeyey qiso naxdin iyo murugo badan oo ku qabsatey dalka Turkiga askari Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Wiilkan ayaa la ilmeeyay kadib markii uu arkay askari ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya oo ay dhaawac u geysteen kooxda Alshabaab oo dhaawciisa oo halis ahaa la geeyay Dalka Tukiga

Askarigaan Soomaaliyeed kana mid ahaa ilaalada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhibaato baaxad weyn ,isagoona waayey wax ka caawiyo sidii dhibkaas looga gargaari lahaa.

Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa asaga oo ay ilamada ka qubaneyso waxaa uu sheegay inuu ka xumaaday islamarkaana uu ka naxay dhibaatada qabsatey askarigaas Soomaaliyeed u u dhaawacmay Madaxweynaha Dartiis.

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas Soomaaliga ah uu la ilmeeyey dhibka askarigaas Soomaaliga ah oo uusan wax aqoon ah u lahayn ayaa arinta ugu yaabka badan ee wiilkaas shaaciyey waxaa ay tahay in askarigaas markii uu dhaawacmay oo la amray in loo qaado dalka Turkiga ay shaqaalaha safaarada dalka Turkiga iyo masuuliyiintii kale ee loo xilsaaray arinta askarigaas dhaawaca halista ah qabay ay u sheegeen inaysan kaligiis qaadi karin oo ay la sugayaan inta ay ka imaanayaan dad kale oo dhaawac ah si loo wada qaado hal mar, arintaas oo keentay in xaalada askarigaas ay ka sii xumaato sidii hore, wiilkaas ayaa waxaa uu sheegay in askarigaas la soo qaaday ka dib qaraxii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya markaas oo la helay dad kale oo dhaawac ah oo sidaasna lagu soo wada qaaday hal mar dhamaantood, arinttaas ayaa run ahaantii waxay tahay mid si aad iyo aad loola yaabo.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog