Warka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in Kooxo ka tirsanaa Alshabaab ay weerar culus ku qaaday Hooyga uu Kismaayo ka degnaa Gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo.
Maxamed Sugoow oo ah Gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha, ayaa waxaa weerar Culus ku qaaday Alshabaab saarnaa gaari la sheegay inuu ahaa nooca raaxada ay weerarka ku qaaden Aqalka Guddoomiyaha.
Qoyska Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka dableyda uu ahaa dilka gudoomiyaha balse ay ka soo gaareen Ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba, waxa ayn Kooxdaasi Guddoomiyuhu u geysteen dhaawac Culus.
Wararku waxa uu intaa kusii darayaan in Ciidamada Maamulka Jubba, ay isla goobta ku toogteen mid kamid ahaa Kooxdii weerarka soo qaaday.
Ciidamada ayaa meel aan sidaa uga fogeyn Hooyga Guddoomiyaha sidoo kale, ku toogtay inuu ka tirsanaa Al-shabab kuna howlanaa miino aasid taasoo ciidanku fashiliyeen.
Dhanka kale, Weerarka Maxamed Sugoow oo ah Gudoomiyaha xaafadda shaqaalaha, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Ciidamada Axmed Madoobe lagu eedeynaayay dilka Taliyaha Ciidamada ilaalada u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Fartaag.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com