Daawo Indhoole Soomaali ah oo ka mid ah dagaalyahanada Syria: Sawirro

Wednesday, July 23, 20140 comments

Nin soomaali ah oo la magac baxay Taymullah al-Somali islamarkaana haysta dhalashada Holandeska ayaa kasoo dhex muuqday mid ka mid ah kooxaha ka dagaalama Suuriya ee lagu magacaabao ISIS (Daacish) kuwaas oo ka dagaalama gudaha dalka Suuriya iyo waliba dalka Ciraaq.

Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa dhalinyarada ugu baaqa in ay ku biiraan Jihaadka ka socda Siiriya, maadaama aysan jirin wax cudur daar ah oo ka celinaya, isagoo Indhoole ahna uu ka mid yahay Dagaalyahanada ISIS.

Ninkan ayaa waxaa sidoo kale la sawiran wiil kale oo soomaali ah kaas oo isna qurbaha ka tagay, waxaana la la`aa labaduba in mudo ah.

Soomaalida dhalinyarada ah ee u safray dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Suuriya ayaa sii kordhaya, waxaana ay isugu jiraan gabdho iyo wiilaali oo qaarkood ku dhintay amaba ku dhaawacmay dagaaladaasi.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog