Qisadan waxey noqon doontaa qiso aad ka daalacataan shabakada Sheegenews.com xiliga afurka qaarada Yurub.
Billoowga Qeybtii koowaad “Illaa Weli Waan Kusugi”..
Waa habeen xusuus mudan qofkasto oo ibnu aadam ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco haddii ay ahaan lahaayeen jaceyl sida tanoo kale ah ama farxad iyo kuwa kalaba.
Wuxuu ahaa wiil aad u d’ayar oo dhalinyaro ah markaasna soo kacaya oo indhu ay u furmayaan,sanadku waa 1997,waa waqti aad u fog toban-iyo todobo sanadood ka hor, habeen habeenada ka mid ah isagoo fadhiya darjiin isaga iyo will ey saaxiibo ahaayen, ayaa si lama filaan ah waxaa meesha soo martay gabar aad u qurux badan oo uu u bogay oo runtii uusanba arag ka hor iyadoo kale, gabadha Ilaahey qurux waa u dhamey kaaga darane jooga,laafyaha,waxaa intaas oo dhan kaga sii cajiibsanaa muuqlkeeda guud oo cajab-galiyeyba!.
Waxey ahayd labo saac xiliga laga soo baxay cishaha,magaaladu waa muqdishu,xaafaduna waa (Suuq bacaad) waana xaafada uu ku dhashay kuna soo barbaaray waligiisana uu daganaa! laakiinse horey uguma uusan arag gabadhaas kor hor!?? Wiilka waxaa lagu magacaabi jiray Daahir,halka gabadhana laga odhan jiray Ugbaad.
Ugbaad,markii ay xooga dhaaftay walina ay u sii muuqato kana libdhin wali ayuu daahir ku yidhi saaxiibkiisa Mahad,saaxiib fadhi iima yaalo caawa ee ina kici waa inaan gabadhaas soo qabtaa,waala isa soo raacay wixii la soo daba socodaba nasiib wanaag waala soo gaadhay,
Markii lala simanyahay ayaa waxaa hadalka bilaaway Daahir kaaso yidhi : (Walaashey wax yar naga raali noqo waxaan nahay akhyaar ku cusub xaafadan oo u yimid tacsi dad qaraaba ah oo dhintay, dad badana kama naqaano ee xaafadan miyaad dagantahay horta oo mana caawin kartaa?
Waa hadal iyo bilowgiisa waa meesha ay sheekadu ka bilaawatay oo ay magacaana kula baxi doonto(ILAA WALI WAN SUGI).Ugbaad ayaa hadalkii qaadatay oo tidhi haa waa idin caawin karaa ee dadka aad rabtaan xagee daganyihiin? waase ina aayo?Intaas kadib daahir wuxuu u sheegay reer aysan aqoonin ugbaad ileen isgaa xaafada ku dhsahay ugna aqoon badnaa, ujeedkuna maba ahayn in ay rabeen caawinad iyo wax la mid ah ee waxey lahaayeen dan ka weyn taasoo ahayd in socodka lasii wado ilaa laga ogaanayo guriga ay dagantahay Ugbaad!.
Markii xoogaa la socday oo sheekada hadab dhinac la iska siinayaba,waxaa la soo gaadhay gurigii Ugbaad,waxeyna tidhi aboowe aniga xaafadayda ayaan galayaa ee bye!.Halkaa marka ay mareyso walina aysan dhaqaaqin ugbaad ayuu daahir ku yidhi waad mahadsantahay abaayo.
Waxaa tahay gabar wanaagsan oo na caawisay ee suurtagal matahay in aad noo sheegto magacaaga ? ana magacayga waxaa lay dhahaa(Daahir),wiilkaan waa saaxiibkeyga Mahad!.
Waxay u sheegtay……………..
La Soco Qeybaha Danbe Maalinta Beri Ah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com