Garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion International Airport oo ku yaala magaalada Tel Aviv ee caasimada dalka Isreal ayaa mar quraah lagu kala cararay ka dib markii uu qeeyliyay mid ka mid ah System-yada sheega hubka qatarta ah ee lagu soo gamo dalka Isreal kaas oo lagu magacaabo Iron Dome.
Gantaaladaan ama Sawaariiqdaan oo ay soo tuureen ururka Xamas ee Falastiiniyiinta ayaa qaarkood waxaa lagu qarxiyay hawada sare balse wadooyinka iyo Maqaayadaha caasimada Tel Aviv ayaa lagu kala cararay. Sidoo kale magaalo xeebeedka Ashdod ee dalka israel waxaa gubatay goob shidaal ka dib markii uu haleelay Gantaal rido dheer oo ay soo tuureen ururka Xamaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com