Daawo Ninkii fuliyay weerarkii Villa Somalia oo noqday Sarkaal Madaxtooyadda u qaabilsanaa Isgaarsiinta -magaciisa iyo qabiilkiisa

Wednesday, July 9, 20140 comments

Hoowlwadeenadda Villa Somalia ayey la yaab ku noqotay kadib markii Kaamiradda CCTV laga arkay ninkii soo geliyay Maleeshiyadda Al-Shabaab gudaha Villa Somalia kuwaas oo saarnaa gaari uu isaga waday.

Ninka fuliyay weerarkii Villa Somalia waxaa la yiraahdaa Xasan Muxyadiin Bustoolad weyne. Aabahiis Masjidka Madaxtooyadda ayuu Iimaam ka yahay.wuxuuna u dhashay qabiilka Hawiye -Abgaal-Harti Abgaal- Agoonyar -

Ninkaan oo adeerkiis ka mid yahay taliyeyaasha tababarka Ciidanka Madaxtooyadda wuxuu Villa Somalia u qaabilsanaa adeega Isgaarsiinta ama telefoonada.

Dadka yaqaana waxay sheegeen in Xasan Muxyadiin marna looga shaki qabin inuu gacan saar la leeyahay argagixisada maxaa yeelay dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaanba maaha qof lagu tirin karo xagjirnimo.

Ciidanka Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Xasan Muxyadiin,waxaana la weydiinayaa sababahii ku qasbay inuu argagixisada u sahlo weerarkii ay galabta ku qaadeen Villa Somalia ama Madaxtooyadda.

Sikastaba ha ahaatee, Xasan Muxyadiin Bustooladweyne wuxuu Maleeshiyadaas ku soo qaaday gaarigiisa isagoo soo horkacay,waxayna si dhib yar ugu gudbeen gudaha maadama uu yahay nin si weyn looga yaqaan Madaxtooyadda oo aan marnaba laga shakin









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog