Marxaladaha ay marto Nolosha bani aadamka waxaa ugu qaalisan dhalinyaro-nimada oo ah xiliga ugu firfircoon ee uu qofka uu u shaqeysan karo aduunyo iyo maalinta dambe ee qiyaamaha.
Maxaad u maleyneysaa xanuunka ay leedahay qof dhalinyaro ah oo aragiisii si fudud ku waayey?
Dhibane Muumin Axmed Ciise waa Wiil Soomaali ah oo 33 sano jir ah, indhoole ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxaana uu leeyahay Xaas iyo sadex caruur ah oo yar yar.
Muumin waxaa uu sheegay in afar sano ka hor uu ahaa qof si caadi ah wax u arka oo qoyskiisa iyo caruurtiisa u shaqeeya, uuna rooti ku iibin jiray Suuqyada Muqdisho qaarkood.
Hase ahaatee waxaa uu sheegay in muddo afar sano laga joogo ay ka dilaacday ishiisa Midig ka dib markii uu ku shubay Daawo markii dambe la ogaaday iney khalad aheyd oo uu dhaqtar u soo qoray, xanuun la soo gudboonaday ka dib.
“Isha kale ee bidixda ah iyana waxaa dul-fuulay Caad sababay aragti la’aan, waxaan kala garan karaa oo kaliya mugdiga habeenkii iyo iftiinka maalintii wax kale ma arki karo” ayuu yiri Muumin.
Waxaa uu intaa ku daray inuu booqday dhaqaatiir badan oo indhaha ku taqasusay ayna intooda badan u sheegeen in isha midig aysan rajo dambe laheyn balse ishiisa bidix wax looga qaban karo oo kaliya isbitaalo ku yaala dalalka Yemen, Sacuudiga iyo Maleysia kuwaasoo u baahan dhaqaale badan oo uu sheegay inuusan awoodin.
“Afar sano meel madow ayaan soo fariistay, ciyaalkeygana waxaan ku noolahay guri buush ah, reeraha deriska ayaa mararka qaarkood inoo keena cunto yar oo aan nafta ku ceshano, habeenada qaarkoodna qatooyo ayaan ku seexanaa waa qadar ALLE waana ku qanacsanahay” ayuu intaa ku daray Muumin oo wejigiisa murugo badan ay ka muuqatay.
Isagoo ku sugnaa guri jiingad oo isaga iyo qoyskiisu ku nool yihiin kuna degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay Muumin inuu jeclaan lahaa mar labaad inuu arko isagoo caruurtiisa u shaqeysanaya ishiisa bidix arageedana dib u helay.
Waxaa uu sheegay Muumin iney la soo xiriireen qaar ka mid ah Jaaliyadaha dibeda ayna u sheegeen iney u hayaan isbitaalo lagu daweyn karo indhihiisa hase ahaatee aysan awood u laheyn iney tikhidhada dayuurada ka bixiyaan isaga iyo qofkii wadi lahaa sidaas awgeedna waxaa uu baaq u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibed meel kastoo ay joogaan.
“Waxaan ka codsanayaa walaalahey muslimiinta ah ee caalamka ku nool inta awoodi karta, sida ganacsatada, muxsiniinta, Jaaliyadaha dibeda iyo inta ILAAHAY wax siiyey iney ILAAHAY dartii wax iigu qabtaan iina suura geliyaan sidii qaliin dibeda ah la iiga soo sameyn lahaa isheyda bidix, si aan mar kale caruurteyda ugu shaqeeyo” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Muumin oo wejigiisa ay ka muuqatay murugo badan.
Walaalka muslimka ahow Haddii aad dooneyso inaad ILLAAHAY dartii u caawisid dhibane Muumin Axmed Ciise kala xiriir telefankan +252-615406674
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com