Dibad bax Rabshado kooban watay oo maanta ka dhacay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

Monday, July 7, 20140 comments

Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa ka hortagay kooxo dibad baxayaal ah oo rabshado kasameeyay qeybo kamid ah Magaalada Nairobi xili ay ka qeyb qaadanayeen dibad bax weyn ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Mucaaradka Kenya ee CORD.

Booliiska Magaalada Nairobi ayaa gaaska dadka kaga ilmeysiiya iyo biyo waxa ay u adeegsadeen dad dibad baxayaal ah oo rabshado kasameeyay qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Dibad baxayaasha isugu soo baxay Bartamaha Magaalada Nairobi ayaa watay Sawirada Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Ra’ila Odinga , waxa ee sidoo kale Dibad baxayaasha ay wateen boorar ay ku qornaayeen ereyo lagu taageerayo Xisbiga CORD.
Taageerayaasha Xisbiga uu Hogaamiyo Ra’ila Odinga ayaa ku luqeynayay hal ku dhigyo lidi ku ah Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo ka mid yihiim “Uhurru wa in uu Shaqada ka tagaa ” iyo erayo kale oo lidi ku ah Dowlada Dalkaasi.

Wariyaal kusugan Magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in dibad baxa kasocday Magaalada Nairobi intiisa badan uu kusocday qaab nabdoon, marka laga reebo Rabshado kooban oo dhacay , waxa ayna dibad baxayaasha isugu uruureen Fagaaraha Uhuru Parka ee Magaalada Nairobi,

Dibad baxayaasha ayaa ka cabanayay falalka amaan daro ee kusoo kordhay Dalka Kenya gaar ahaan Weeraradii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka geesteen Deegaano kuyaala Gobolka Xeebta halkaas oo lagu dilay dad ku dhaw 100-qof.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog