Daawo Sawirada Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo Salaadii Ciida Garoowe kula tukaday Kumanaan dad weyne ah

Monday, July 28, 20140 comments

Madaxwaynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta kula tukaday Salaadii Ciida Kumanaan Dadweyne ah .

Tukashada Salaada Ciida ayaa waxaa sidookale Goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro,Waxgarad,Isimo,Cuqaal iyo Dadweyne Badan .

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Salaada Ciida kahor lahadlay Dadwaynihii ku sugnaa Goobta,waxana uu u Hambalyeeyay dhamaan Umadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogan.

‘’Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan Umadda Muslimiinta ah,Umadda Puntland iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ciid Mubaarak’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad,Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo soonkeeni,sakadeeni,Salaadeeni iyo ducadeeni’’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

‘’Waxaan aad ugu faraxsanahay in Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Abshir Saalax iyo odayaasha kale ee inoo yimi inay maanta inala joogaan oo farxada inala qayb sanayaan,waxana ogtihiin in ififaalo fiican oo soo noqosho ay u tahay Puntland’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Waxaanu sii daynay boqol iyo Labaatan maxbuuxs (120) maadama bishaan ay tahay bil cafis dadka aan siidaynayna waxaan isleenahay maahan kuwo khatar weyn gaysanaya dhamaanteena waxaan ku dar daarmaya is cafis’’Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Gaas.

----DHAMMAAD----





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog