Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Dadweyne badan Salaada Ciida kula dukaday Muqdisho (Daawo Sawirada)

Monday, July 28, 20140 comments

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ay Wehliyaan xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Masjidka Isbahysiga ee Magaalada Muqdisho Salaada ciida kula dukaday dadweyne badan.

Amaanka Masjidka Isbayahsiga waxaa si weyn u adkeenayay oo lagu arkayay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM kuwaa oo baarayay dadweynaha Masjidka Salaada Ciida ku dukanayay.

Salaada Ciida kadib waxaa Masjidka Isnbahysa Khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Umada Islaamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay Munaasabada Ciida.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxa uuna ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal in ay isugu yimaadaan.

Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah waxa ay Munaasbada ciida owgeed Hambalyo udireen Umada Soomaaliyeed meel kasto ay dunida ka joogaan.



























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog