Daawo Shirkada Diyaaradaha Air Ugandha oo la joojiyey!

Saturday, July 19, 20140 comments

Shirkada diyaaradaha ee Air Ugandha oo horey isugu xiri jirtay magaalooyinka Muqdisho iyo Kambala ayaa shaqadii laga joojiyey amar kasoo baxay hay’ada Duulimaadka ee dalka Ugandha.

Amarkan ayaa lagu sheegay inuu la xariiro dhanka baaritaano lagu sameeyey cilado heysata diyaaradaha ay adeegsato shirkada Air Ugandha.

Shirkada Air Ugandha oo horey isugu xiri jirtay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Juba, Bujumbura iyo Kigali ayaa waxaa iskaleh Shabakada Shirkada Aga Khan Fund for Economic Development.

Warar ay qoreen qaar kamid ah Jaraa’idka Ugandha ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso loolan u dhaxeeya qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Ugandha iyo shirkada Air Ugandha oo sanadihii lasoo dhaafay noqotay shirkada ugu weyn ee dalka Ugandha.

Waxaa jira qorshayaal la xariira in dib loo soo nooleeyo shirkadii diyaaradaha ee dowlada Ugandha ee Ugandan Airlines mashruucaasi oo ay wataan siyaasiyiin kamid ah dowlada, arrintaasi oo loo aaneenayo cadaadiska la saaray Air Ugandha.

Shirkada Air ugandha ayaa waxaa si weyn u adeegsada askarta AMISOM ee kasoo jeeda dalka Ugandha iyo waliba Soomaalida ay dhib ku tahay duulimaadyada kale ee taga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog