M. ISIS oo la wareegtay xarun laga soo saaro Gaaska ee dalka Siiriya

Saturday, July 19, 20140 comments

Xoogaga Dowlada Islaamiga ee ka dagaalama Ciraaq iyo Siiriya ISIS aya la wareegay xarun weyn oo laga soo saaro Gaaska wadanka Siiriya.

ISIS ayaa la wareegtay xaruntan oo ku taal gobalka Homs ee bartamaha dalka Siiriya, kadib dagaal xoogan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 90 kamid ah ciidamada Dowlada Siiriya iyo 21 kamid ah dagaalyahanada ISIS.

Weerarkan xoogan ayaa subaxnimadii Khamiista lagu qaaday xarunta Gaaska dabiiciga ah laga soo saaro oo ku taal duleedka magaalada Palmayra ee gobalka Homs, waxayna xoogaga ISIS u adeegsadeen weeraro isugu jira ismiidaamin iyo waliba dagaal fool ka fool ah.

In ka badan 150 kamid ah ciidamada Dowlada Siiriya iyo maleeshiyaadka sida tooska ah uga amar qaata Bashaar Al Assad oo goobtaasi ku sugnaa ayaa la la’a yahay waxaana la filayaa in nolol ay ku qabteen kooxda ISIS,


halka la xaqiijiyey inay dhinteen in ka badan 90 askari.

Kooxda ISIS ayaa sheegtay in kahor inta aysan la wareegin xaruntan ay qabsadeen 8 isbaaro oo halkaasi u yiilay ciidamada dowlada, sidoo kale dowlada Siiriya ayaa xaqiijisay in laga qabsaday xaruntaasi muhiimka ah.

Diyaaradaha dagaalka ee Xukuumada Bashaar Al Assad ayaa bilaabay duqeynta goobtaasi xili ay ciidamada Siiriya isku dayayaan inay dib u qabsadaan xarunta laga soo saaray.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog